Ciyaaraha horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa todobaadkaan si rasmi ah dib u billowday kadib marki uu dhamaaday fasaxi saddexda bilood.
Tii ugu xiisaha badneyd ayaa waxay xalay dhexmartay kooxaha Arsenal iyo Manchester City.
Manchester City, oo ah kooxda difaacaneysa horyaalnimada ayaa kulanki Axadi oo ka dhacay garoonka Emirates Stadium ee magaalada London si aada ugu gacan sarreysay, iyada ayayna guushu ku raacday 2-0.
Goolasha waxaa u kala dhaliyay Raheem Stirling iyo Bernardo Silva. Tababare Pep Guardiola ayaa tiigsanaya inuu noqdo laba jeer oo isku xigta qaado horyaalka Ingiriiska. Kooxda Manchester United ayaa sannadki 2009-ki sidaasi sameysay.
Tababaraha cusub ee Arsenal Unai Emery ayay u aheyd shalay kulankiisi ugu horreeyay ee uu kooxda hogaamiyo horyaalka Premier League Ingiriiska, kadib marki uu xilka kala wareegay macalinki hore ee Arsenal, Arsen Wenger oo naadiga leylinayay muddo 22 sano ah.
*Dhinaca kalana kooxda Liverpool ayaa ciyaarteedii ugu horreysay ee horyaalka Ingiriiska ee xilli ciyaareedkan ku billowday guul, kadib marki ay si fudud uga badisay shalay kooxda West Ham oo ay ku dardartay 4-0.
Goolasha waxaa u kala dhaliyay Mohamed Salah, Sadio Mane oo laba gool dhaliyay iyo Sturrige oo keenay goolki afraad. Salah xilli ciyaareedki hore isaga ayaa ahaa laacibki ugu goolasha badnaa ciyaartooyda horyaalka Ingiriiska.
Ciyaaraha kale oo shalay dhacday oo dhexmartay kooxaha Southampton iyo Burnley ayaa waxay kusoo dhamaatay barbarro 0-0 ah.