Isku xirrada

War Deg-Deg ah

United iyo Arsenal oo guulo gaaray


Kooxda Manchester United ayaa iska meyrtay guuldarrooyinki qaraaaraa ee kooxda ku dhacay bishi tagtay kadib marki ay Axadi shalay 2-0 uga badisay naadiga Burnley.

Labada goolba waxaa Manchester u saxiixay Romelu Lukaku qeybtii 1-aad ee ciyaarta, laakin United waxay kusii dari kartay gool saddexaad, haddii rigoore loo dhigay uusan qaldi laheyn Paul Pogba.

Guushan ayaa qiimo weyn ugu fadhiday macalinka kooxda Jose Mourinho, kaas oo todobaadki lasoo dhaafay oo dilil warbaahinta ciyaaraha ee Ingiriiska hadal hayeen in shaqada laga ceyrin doono.

Taasi waxay ka danbeysay ka gadaal marki laba jeer oo isxiga ay Manchester United guuldarrooyin kala kulantay kooxaha Tottenham Hotspur iyo Brighton & Hove Albion.

*Waxaa iyaduna uu culeyska kasii yaraanayaa macallinka cusub ee kooxda Arsenal Unai Emery kadib marki ay Arsenal soo xareysay guusheedii labaad ee xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Ingiriiska.

Arsenal labadi kulan ee furitaanka horyaalka waa laga wada badiyay. Laakin ciyaarti shalay waxay 3-2 si dirqi ah uga badiyeen kooxda Cardiff.

Goolka guusha waxaa dhamaadki ciyaarta u saxiixay Arsenal laacibka reer France Alexandre Lacazette ka hor inta aysan goolasha hore keenin Shkodran Mustafi iyo Pierre-Emerick Aubameyang.

Haddii ay Axadii wada badiyeen kooxaha Manchester United iyo Arsenal waxaa guuldarro lama filaan ah ay ku habsatay kooxda Tottenham oo 2-1 ku khasaartay Watford.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka kooxda Watford ee Vicarage Road ayaa waxaa goolka la hormartay Tottenham waxana uu ahaa gool uu kooxdiisa ka dhaliyay Abdoulaye Doucoure oo ka tirsan Watford daqiiqadii 53-aad, laakin kooxdani Watford oo hadda ka mid ah kooxaha wax ka hogaamiyana horyaalka Ingiriiska ayaa ugu jawaabtay laba gool Troy Deeney iyo Jose Holebas.

Waa marki ugu horreysay oo ay Watford ka badiso Tottenham tan iyo sannadki 1987. Sidoo kale waa marki koowaad oo ay Watford wada badiso afarta kulan ee ugu horreysa horyaalka Premier League Ingiriiska abid.

Hadda waxaa horyaalka Ingiriiska min 12 dhibcood ku wada hogaaminaya kooxaha Liverpool, Chelsea iyo Watford.

XS
SM
MD
LG