Axmed Maxamed Islaam ayaa dib loogu doortay madaxweynaha maamulka Jubaland, codeyn maanta ka dhacday magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa helay 56 cod, halka Canab Maxamed Daahir oo kaalinta labaad ka gashay codeynta ay heshay 17 cod. Doorashada ayaa waxaa codeeyey 73 xildhibaan.
Doorashada oo ka hor inta aysan dhici ay harreysay xiisad xooggan ayaa ku dhacday si nabad ah.
Dhinaca kale, xildhibaannada Is-beddel doonka Jubaland ayaa iyagana maanta madaxweyne u doortay xildhibana Cabdirashiid Xiddig, oo ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya.
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inaysan aqoonsan doonin natiij kasta oo kasoo baxda hanaanka doorashada Jubaland.
Dhinaca kale, beesha caalamka ayaa qoraal ay shalay soo saartay ka digtay, in wax kasta oo ay noqoto natiijada doorashada maanta dhacday, laga fogaado rabshad, islamarkaana wada-hadal lagu dhammeeyo wixii khilaaf ah ee jira.
Wariyaha VOA-da Yaasiin Ciise Wardheere ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Nairobi.