Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bin Salmaan oo sheegay inuusan dooneyn dagaalka Iran


Maxamed Bin Salmaan
Maxamed Bin Salmaan

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa wraeysi uu bixiyey axaddii ku sheegay in dagaal dalkiisa uu la galo Iran uu burburin doono dhaqaalaha dunida, sidaas darteedna uu door bidayo xal aan ahayn mid militari.

“Haddii dunida aysan qaadin tallaabo xoogan oo sugan oo lagu celinayo Iran, waxaan arki doonnaa in xaaladda sii xumaato oo ay gaarto heer ay halis geliso danaha dunida” ayuu Maxamed Bin Salmaan u sheegay barnaamijka “60 Mintutes” ee taleefishinak CBS.

“Wax soo saarka saliidda ayaa arbushmi doona, qiimaha saliiddana wuxuu cirka u geli doonaa heer aynan nolosheena arag” ayuu yiri dhaxal-sugaha.

“Gobolkan wuxuu soo saaraa 30% tamarta dunida, sidoo kalena waa marinka 20% ganacsiga dunida, iyo 4% wax soo saarka dhaqaalaha dunida. Qiyaas, haddii intaas ay mar qura wada istaagaan” ayuu sii raaciyey.

“Tani waxay la macno noqon doontaa burbur buuxa oo ku yimaada dhaqaalaha dunida, ma ahan kaliya Sacuudiga iyo dalalka Bariga Dhexe.”

Waxa uu sheegay in weerarkii 14-kii September lagu qaaday goobaha saliidda Sacuudiga, kaasi oo dalkiisa iyo Mareykanka ay ku eedeeyeen Iran, uu ahaa mid mas’uuliyad darro ah.

AFP

XS
SM
MD
LG