Xiisaddii biyaha wabiga Nile ee u dhaxeysay dalalka Itoobiya iyo Masar ayaa mar kale cirka isku shareertay.
Xiisaddan ayaa salka ku haysa biyo-xireen ay dhiseyso Itoobiya oo webiga Nile laga sameynayo, kaasi oo Masar ay rumeysan tahay inuu horseedi doono inay yaraadaan biyaha Nile ee dalkeeda soo gaara.
Masar ayaa sheegtay in xalka wabiga Nile ay ku gaareyso awood milatari hadii loo baahdo, halka Ra’isul Wasaaraha Ethiopiana uu ka jawaabay.
Hadaba khilaafka iyo waxa la isku hayo ayuu Maxamed Colaad Xassan ka wareystay Professor Cabwahab Xaaji Cabdi Samad oo ka faalooda arrimaha Gobolka Geeska Africa.