Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa goor dhaweyd si rasmi ah ugu dhawaaqay in hogaamiyihii ururka ISIS, Abu Bakr al-Baghdadi, lagu dilay weerar milatariga Mareykanku ka fuliyay Sabtidii shalay Gudaha Syria.
Madaxweynaha ayaa goor dhow jeediyay khudbad si toos ah looga baahinayay telefishinada Mareykanka oo uu shacabka Mareykaka kula hadlayay.
Abu Bakr al-Baghdadi, hogaamiyihii ISIS oo noqday ninkii loogu doon doonista badnaa dunida, ayaa sida madaxweynaha Mareykanka uu sheegay lagu dilay Syria.
Trump ayaa yiri “Waxa uu yiri xalay Mareykanku waxa ay cadaaladda dhedhensiiyeen. Hogaamiyihii argagixisada dunida- Abubakar al-baqdaadi wuu dhintay.”
Trump waxa uu sheegay ciidamada Gaarka ah ee Mareykanka ay weerar ku qaadeen xero ay ku sugnaayeen baqaadi iyo ciidamadiisa oo ku taala gobolka Idlib ee dalka Syria, halkaas oo ay ku laayeen dhamaan maleeshiyadii xeradaa ku jirtay laakiin uu Al-baqdaadi isku dayay inuu baxsado isaga iyo sadex caruur ah oo uu dhalay.
Waxa uu ka hadlay sida dilka Baqdaadi uu u dhacay.
“Waxa uu dhintay markii uu isku dayay inuu ku baxsado marin dhulka hoostiisa ah oo aan ka soo noqod laheyn, isagoo qeylinayay oo ooynayay. Waxa uu isku qarxiyay suunka qaraxyada oo uu xirnaa, iyo sadexdii caruurta aheyd ee la socotay. Godkii ayaa ku dumay, meydkiisii aad buu u baa’ba’ay. Laakiin, dhecaanadii aan ka qaaday waxey xaqiijiyeen inuu isaga ahaa”
Duqeyntan ayaa timid iyadoo uu weli taaganyahay walaaca laga qabay – in ka soo bixistii ciidmada Mareykanka ay dhawaan ka soo baxeen Waqooyiga Bari Syria –ay xoojin karto maleeshiyada ISIS, taaso laga saaray dhul ballaaran oo ay Syria kaga sugneyd.
Kooxda la socota arrimaha Syria ayaa soo warisay in weerarkaasi ay fuliyeen ciidamo saaraa sideed diyaaradood oo helicopter ah – iyo dayuurad dagaal oo lagu sheegay mid ka mid ah kuwa ciidamada Isbaheysiga Mareykanka.
Waxaana uu ka dhacay sida ay kooxdan sheegtay xalay saqdii dhexe, deegaanka Barisha area ee waqooyiga gobolka Idlib, gaar ahaan goob ay ka taliyaan Maleeshiyada –Xuraas Al-diin- oo xiriir la leh al-qaacidda, halkaas oo la aaminsanyahay in saraakiil ka tirsan ISIS ay ku dhuumanayeen.
Helicoptarada ayaa la sheegay inay goobtaasi duqeeyeen – oo ay weerarka ku wadeen muddo laba saacadood ah, kooxda la socota arrimaha dagaalka Syria ayaa sheegtay inay heshay xogta in sagaal qof ay halkaasi ku dhinteen.
Waxaana laga yaabaa in tiradu ay intaasi ka badato, maadaama maleeshiyada oo hub culus kula dagaalamayay dayuuradaha, markii dambe shanqartooda la waayay, qaar badanna ay ka dhaawacmeen.
Albaqdaadi ayaa madax ka ahaa ururka ISIS shanti sanadood ee la soo dhaafay, waxaana lagu eedeeyaa inuu lahaa amarro dad lagu qoorgooyay – iyo askareynta – kumanaan dhalinyaro ah oo ku biiray Daacishtii beri ka talineysan dhul ballaaran oo Syria iyo Ciraaq ka tirsan.