Dalka Kenya waxa ka socda dood la xiriirta hindise la doonayo in is-beddel loog sameeyo qaabkii hogaamineed iyo doorasho ee dalka markii hore ka jirtay.
Hindisahani oo loo soo gaabiyay BBI ayaa ah hindise la doonayo in la isugu soo dhaweeyo shacabka Kenyan-ka ah oo dhibaatooyin gacan ka hadal ah ka dhex dhasha xiliga doorashada, waxaana hindisahan la fulinayaa iyagoo ay heshiis ku yihiin Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyihii Mucaaradka Radila Odinga.
Qorshahan ayaa sidoo kale abuuraya jagada ra’iisul wasaaraha, oo madaxweynaha uu soo magacaabayo islamarkaana Golaha Qaranka ay ansixinayaan.
Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Nairobi.