Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xog dheeri ah oo ku saabsan weeraradii saldhigyada Sh/Hoose


Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarradii saacadihii hore ee saaka ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose.

Weerarka hore ayaa ka dhacay Ceel-Saaliini kadib markii ay maleeshiyada Al-Shabaab weerareen abaarihii 2:00am.

Warar aanu ka helnay saraakiil sare ayaa sheegaya in lagu dilay weerarkaas 24 askari oo ka tirsan ciidanka dawladda, isla markaana la gubay lix gaadiid ah oo iskugu jira booyad, baabuurta kale ee ciidanka iyo mootooyin.

Kooxda Al-Shabaab waxay sheegteen inay weerarka Ceel-Saliini ku dileen 41 askari balse si madax banaan looma xaqiijin karo sheegashadaas.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in maleeshiyaad Al-Shabaab ah lagu dilay weerarkan, balse ma aysan sheegin tiradooda.

Weerarka labaad ayaa dhacay 5:00am kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerareen magaalada Qoryooley.

Ciidamada degaanka ayaa la sheegay inay iska caabiyeen, iyaga oo ka dilay 14, sida ay sheegeen saraakiil sare. Saddex ka mid ah maydadka Al-Shabaab iyo hubkooda ayaa lasoo bandhigay.

Sidoo kale ciidamada degaanka ayaa la sheegay in askari uu si xun ugu dhaawacmay weerarka, kaasi oo markii dambe u dhintay dhaawaca soo gaadhay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa weerarkan kadib la kulmay madaxda ciidanka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dawladda Federaalka.

XS
SM
MD
LG