Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa sagaal kun oo qoys ay ka qaxeen Gobolka Gedo bishan kuwaasi oo badankoodu ka cararay magaalada Beled Xaawo.
Magaalada Beled Xaawo ayaa waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubaland.
Shalay waxaa magaalada ka dhacay dagaal dhex maraya labadaas dhinac, oo ay ku dhinteen shan qof ayada oo 15 kalena ay ku dhaawacmeen.
Warbixinta Qaramada Midoobay waxaa inoo soo koobaysa Falastiin Axmed Iimaan.