MUQDISHO —
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta mamnuucay kulamada dadweynaha iyo meelaha dadku ay ku caweeyaan xilliyada habeenkii.
Maamulka ayaa sidoo kale muddo laba toddobaad ah xiray guud ahaan in dadkua y ku dabaashaan ama ku daamashaadaan xeebta Liido.
Tallaabadan ayaa loo qaaday si loola dagaalamo loogana hortago faafitaanka cudurka Coronavirus.
Dawladda Soomaaliya ayaa horey u amartay in la xiro goobaha barasahada diinta sida dugsiyada iyo mowlacyada, iyo iskuullada waxbarashada maadiga ah.
Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan nooga soo diray Muqdisho.