Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha, wuxuu ku saabsanyahay dedaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xakameynta cudurka Coronavirus. Ilaa 2 qof ayaa inta la ogyahay cudurkan ugu geeriyooday Soomaaliya iyadoo 21 qofna la xaqiijiyey in cudurka laga helay.
Waxaa marti ku ah Maxamed Saciid Cabdullaahi oo ah Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. Sahra Cabdi Axmed ayaa barnaamijka soo saartay halkanna ka soo jeedineysa.