JABUUTI —
Wada-hadalladii u dhexeeyey ergooyinka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maanta mar kale la iskugu yimid maalintii saddexaad, ayaga oo ka socda magaalada Jabuuti.
Wada-hadallada ayaa waxa ay u socdaan guddiyo farsamo oo ka kooban 14 xubnood oo labada dhinac ah, waxaana goobjoog ka ah madaxda sare ee labada dhibac iyo dowladda Jabuuti.
Wararkii u dambeeyey ayaa weriyaha VOA Xuseen Barre Aadan uu ka waraystay weriyahayaga Ramadaa Muuse, oo ku sugan halka ay wada-hadallada ka socdaan.