HARGEYSA —
Xuska maalmaha xorriyadda Soomaaliya ayaa sanadkan kusoo aaday ayada oo ay dib u billowdeen wada-hadalladii ka dhexeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.
Wada-hadallada oo toddobaadkii tegay ka dhacay Jabuuti ayaa waxaa lagu gaaray heshiis horudhac ah oo ka kooban dhowr qodob, ayada oo guddi farsamo oo la sameeyeyna ay wada-hadallada sii wadi doonaan.
Weriyaha VOA ee Hargeysa Sagal Mustafa ayaa waxa ay makarafoonka la dhex-qaadday qaar ka tirsan dhalinyarada ku dhaqan magaalada Hargeysa oo ay weydiisay aragtidooda ku aaddan wadahadallada labada dhinac iyo qodobka isku-socodka iyo is-dhex-galka bulshada labada dhinac ee lagu heshiiyey.