MUQDISHO —
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyo waxa uu go’aankii Golaha Shacabka uu xilka uga qaaday ra’iisul wasaare Kheyre uu u dhimi karo heshiisyadii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb. Barnaamijka waxaa marti ku ah Cusmaan Tahliil Shaatax oo ah guddoomiyaha Bulshada Rayidka Soomaaliya.