Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda qabanqaabada la xiriirta qabsoomidda qeybta saddexaad ee shirka wadatashiga doorashooyinka ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.
Shirka oo qorshuhu ahaa in uu furmo maanta ayaa waxaa muuqata inuu dib u dhacay, iyadoo aan ilaa iyo haatan la shaacin waqtiga uu furmayo.
War qoraal ah oo Madaxtooyada Soomaaliya ka soo baxayna waxaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu Dhuusa Mareeb tagayo maanta oo uu Shirkaasi gudoomin doono.
Haddaba, wararkii ugu danbeeyey ee shirkan iyo faahfaahinta warkan waxaa magaalada Gaalkacayo ka soo diray Cabdiwaxaad Macalin Isaaq.