Magaalada Muqdisho, waxaa ka dhacay fal kufsi iyo dil ah oo loo geystey Xamdi Maxamed Faarax, sida ay sheegeen ehellada gabadha. Xamdi ayaa aheyd 19 jir sanadkan dhammeysay dugsiga sare.
Dad aad u fara badan ayaa ka argagaxay dilka gabadha da'da yar. Gacal Xuseen Gacal oo abti u ah gabadha dhibbanaha ay ayaa sheegey in loo sheegey in dad lagu eedeynaayo dilka iyi kufsiga Xamdi ay boolisku soo xireen.
Sahra Cabdi Axmed ayuu qadka telefoonka ugu warramay.