Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ka horyimid jadwalka guddiga soo xulista xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Hirshabelle.
Talaabada madaxweynaha ayaa timid ka dib markii guddigu uu soo bandhigay, sida uu noqonayo jadwalka soo xulista ee xildhibaanada, sida uu ku soo warramayo wariyaha VOA-da ee Hirshabeelle Xuseen Xasan Dhaqane.
Dhanka kale, maamulka Hirshabeelle oo kaashnaya ciidamada millatariga Soomaaliya ayaa howl-gallo ka sameeyay deegaanno ku yaalla duleedka magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Meelo ay ciidamada dagaalka kula galeen Al-Shabab ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Basra. Haddaba dagaalladaasi ayaa wariyaha VOA-da Cabdicasis Barroow uu ka wareystay, Wasiirka Amniga maamulkaas Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre.