WASHINGTON. D.C —
Gobolka Ohio waxaa ku nool Soomaalida ugu badan marka laga yimaado Minnesota, Jaaliyaddaan ayaa Talaadadi ka mid ahaa muwaadiniinta Mareykanka ee codkooda ka dhiibtay doorashada madaxtinimada.
Natiijadi kasoo baxday doorashada gobolka Ohio ayaa muujisay inuu madaxweyne Trump ku guuleysan doono. Haddaba Soomaaladi codeysay qaar ka mid ah ayaa u warramay wariyaheenna Cabdikafi Yusuf.