Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa goor hore oo maanta ku daabacday boggeeda rasmiga ah ee Twitter qoraal ay taageero ugu muujisay dowladda federaalka Ethiopia oo dagaal kula jirta xisbiga TPLF ee xukuma gobolka Tigrayga.
Dagaalka gobolka Tigrayga ayaa billowday 4-tii November markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ku eedeeyey TPLF inay weerareen saldhig ciidamada federaalka ay ku leeyihiin gobolka, eedeyntaas oo TPLF ay beeniyeen.
Qoraalka hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa inay ku garab taagan tahay dowladda Ethiopia ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ilaalinta nidaamka dastuuriga ah, iyo ixtiraamka midnimada dhuleed ee Ethiopia.”
Qoraalkaas ayaa sidoo kale lagu sheegay inay dawladda Soomaaliya taageereyso midnimada Ethiopia iyo in wada-hadal lagu dhammeeyo khilaafka gudaha ah.
Waxay intaas ku dartay, in ayada oo ah dal deris la ah dalka Ethiopia, ay diyaar u tahay inay taageeradeeda ku biiriso sidii dagaalka loo soo geba-gebeyn lahaa.
Hase yeeshee goor dambe oo maanta ah ayaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Axmed Ciise Cawad farriin uu ku daabacay barta rasmiga ah ee Wasiirka Arrimaha Dibedda uu ku sheegay inuusan jirin war qoraal ah oo rasmi ah oo ku aaddan xaaladda Itoobiya.
Waxa uu wasiirku ku sheegay farriintaas in qoraalka la wareejinayo uusan ka turjumayn aragtida Dawladda Federaalka Soomaaliya, uusanna sax ahayn.
https://twitter.com/MinisterMOFA/status/1329154346047639552?s=20