Xaliima Aden oo ah gabar Muslim ah, isla markaana iyada oo xijaaban dharka xayeysiisa ayaa sheegtay inay dib uga joogsanayso hawshii ay ku jirtay, isla markaana ay gabi ahaanba joojisay bandhiggii dadka hortiisa ay ku soo mari jirtay. Xaliima ayaa sheegtay in ay dareentay cadaadis keenay inay ka tanaasusho waxyaabihii diinta la xiriiray ee ay aaminsanayd.
Xusseen Barre ayaa go'aankan Xaliima ay shaacisay waxa uu ka wareystay wariyaheena Maxamuud Mascadde oo Minnesota jooga.