BOOSAASO —
Kulan maanta magaaladda Boosaaso ka dhacay oo u dhexeeyey guddi ay iska soo xuleen ganacsatada iyo maamulka Puntland ayaa lagu gaaray heshiis in dib loo furo dekedda iyo suuqyada magaalada oo muddo 5 cisha ah xirnaa.
Suuqyada iyo dekedda ayaa xirmay ka dib markii ganacsatadu ay cabasho iyo banaan-baxyo kaga soo horjeesteen sicir barar saameeyey suuqyada Puntland iyo amar uu madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ku bixiyay in la joojiyo lacagta Sh.So. ee 30% ay ganacsatadu kaga canshuuran jireen badeecadaha uga soo dega dekedda magaaladda Boosaaso.
Weriyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan inooga soo dirtay Boosaaso.