XUDUR —
Gargaar ayaa maanta la gaarsiiyey degmada Xudur ee gobolka Bakool, halkaas oo ay kasoo yeedhay qaylo dhaan xaalad bani’aadminnimo ah kadib muddo sannado ah oo ay go’doomiyeen maleeshiyada ururka Al-Shabaab.
Gargaarka ayaa yimid ayada oo dhowaan uu magaalada booqday madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.
Warbixintan waxaa Xudur nooga soo diray weriyahayaga Mukhtaar Maxamed Catoosh.