KISMAAYO —
Xeebta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa maalmihii u danbeeyay lagu arkayay kalluun ku soo caariyay.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee maamulka Jubbaland oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in kalluunkaasi uusan u dhiman sun lagu daadiyay badda.
Warbixintan waxaa inoo soo diray Wariyaha VOA ee Magaalada Kismaayo, Adan Maxamed Salaad.