Xukuumada Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay shir uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya, ee muddo xileedkiisa uu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Farmaajo ayaa 20-kii bishan isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir inay isugu yimaadaan shir dhacaya 22-ka March, si looga wada-hadlo is-mari waaga ka taagan doorashada.
Wasiirka warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe oo warfidiyeenada Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay inuu shirkan ka dhici doono xarunta ciidamada cirka ee Afisiyooni, islamarkaana dawladu ay diyaar u tahay in sida ugu dhakhsaha badan doorasho loo aado.
Illaa iyo hadda madaxda maamul goboleedyada kama jawaabin shirka uu iclaamiyey Farmaajo.
Warkan waxa Muqdisho nooga soo diray wariyahayaga Cabdiqaadir Maxamed Cabdulle.