Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoomiye ku xigeenkii degmada Dayniile oo qarax lagu dilay


Muqdisho
Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ku xigeenkii arrimaha siyaasadda degmada Dayniile Cabdi Maxamed Maxamuud (Dhacow) goor dhaweyd lagu dilay qarax miimo oo loo dhigay gaarigiisa.

Qaraxan oo ka dhacay agagaarka xaafadda Daru-salaam ayaa sidoo kale waxyeello ka soo gaartay qaar ka mid ah ilaaladiisii, waxaana goobta qaraxu ka dhacay gaaray hay'adaha ammaanka iyo dambi baartista.

Qaraxan ayaa ku soo aaday saddex maalin kaddib dilkii guddoomiyiii degmada Xamar Jajab Dr. Maxamed Cabdi Xayle oo koox hubeysan ku hor toogatay gurigiisa oo ku yaal deegaanka Sarkuusta.

Qaraxyada iyo weerarada qorsheysan ayaa imanaya xilli magaaladda Muqdisho ka jiraan xiisado xolaadeed oo salka ku haya is-mariwaaga doorashada.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxan.

XS
SM
MD
LG