Maamul goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan wax muddo kordhin ah oo loo sameeyo hay’adaha dowladda federaalka.
Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen labada maamul ayey ku yiraahdeen “Waxaan isla qaadanay In ay dalka si deg deg ah uga dhacdo doorasho meeshana laga saaro nuuckasta oo ah muddo kordhin.”
Labada maamul ayaa sheegay inay go’aanka qaateen kadib markii ay wada-tashiyo sameeyeen, sidoo kale ay arkeen xaaladaha amnidarro ee kusoo kordhay caasimadda Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay iyo sida ay usii fidayaan.
Waxay intaas ku dareen inay doonayaan in doorashado lagu galo heshiiskii 17-kii september 2020.
“Waa in la joojiyaa meeshana laga saaraa waxkasta oo caqabad ku noqonkara ama horay ugu noqday hirgelinta heshilskil 17-kli September," ayey yiraahdeen labada maamul
Labada maamul goobleed ayaa dhanka kale sheegay inay aad uga xun yihiin dhacdooyinkii maalmihii tegay ka dhacay Muqdisho, oo ay ku dagaalameen ciidanka dowladda iyo ciidamada qaar ka kid ah musharaxiinta.
“Dhacdooyinkaas waxaan u aragnaa in ay nasiib-darro ku yihiin hanaanka Dawlad-dhiska Soornaaliya, si gaar ah shacabka ku nool caasimadda Muqdisho oo aan mudnayn in dib loo xusuusiyo waqtiyadii adkaa ee ay soo mareen."