Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay go’aankii Golaha Shacabka Soomaaliya uu dib ugu laabtay heshiiskii 17-ka September, taasi oo meesha ka saartay sharcigii muddo kororsiga. Go’aankaas xal ma u noqon karaa qalalaasaha siyaasadeed ee dalka. Waxaa barnaamijka marti ku ah Mursal Saney oo ah madaxda hay’adda Heritage ee Muqdisho, kuna sugan London. Waxaa soo jeedineysa Sahra Cabdi Axmed.