MOGADISHU —
Shirkadaha socdaalka iyo kuwa xamuulka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay go’aankii ay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ku soo celiyeen xiriirkoodii diblomaasiyadeed. Laakiin hadal heynta xiisadda muranka badda ee labada dal dacwadoodu ka taallo Maxkamadda Caddaaladda ee Dunida (ICJ) ayaa weli taagan.
Maxamed Kaahiye ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray, waxaa inoo soo jeedinaya Maxamed Colaad Xassan.