Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar Ethiopian ah oo magan-galyo weydiistay Sudan


Mas’uuliyiinta Sudan ayaa masaafuriyey tobaneeyo askar Ethiopian ah oo u shaqeynayey howgalka QM ee gobolka Darfur, kuwaas oo la geeyey xero qaxooti, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda.

Al-Fateh Ibrahim Mohammed, oo ah madaxa hay’adda qaxootiga ee gobolka Waqooyiga Darfur, ayaa sheegay in ciidamada ay ka mid yihiin 120 askari oo kasoo jeeda gobolka Tigray, kuwaas oo magan-galyo weydiistay Sudan kadib markii uu dhammaaday sanad ay la shaqeynayeen howlgalka nabad-ilaalinta QM, sida ay sheegtay wakaaladda SUNA.

Waxa uu sheegay in ciidamada oo ay ku jiraan 14 ay diideen inay dalkooda ku laabtaan kadib markii loo yeeray, ayaga oo ka cabsi qaba inay xirto dowladda federaalka ee Addis Ababa.

Gobolka Tigray oo ay bishii November 2020 weerareen ciidamada federaalka ayaa laga soo weriyey tacaddiyo ay ka mid yihiin xasuuq, kufsi iyo macluul la qasbay, waxaana xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken uu bishii March sheegay in “isir sifeyn” ay ka dhacday.

Afhayeenka QM Farhan Haq ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay bishii tagtay in tiro Ethiopian ah oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta QM ee Darfur “ay raadinayaan bad-baadin caalami ah.”

Al-Fateh Ibrahim Mohammed, oo ah madaxa hay’adda qaxootiga ee gooblka Waqooyiga Darfur, ayaa sheegay in Sudan ay masaafurisay ugu yaraan 33 askari oo ku sugnaa Waqooyiga Darfur, lana geeyey xero qaxooti oo ku taalla gobolka bari ee Kassala oo saaran xadka Ethiopia. Wuxuu sheegay in 31 kale ay bixi doonaan maanta.

AP

XS
SM
MD
LG