HARGEYSA —
Waxaa maanta si rasmi ah uga billaabmay gobollada Somaliland ololaha doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanada, taasi oo dhici doonta 31-ka bishan May.
Furitaanka ololaha doorashooyinka ayaa musharaxiinta u ogolaanaya inay qabtaan isu-imaatino ay codka ku weydiisanayaan dadka codeynaya ee iska diiwaan-geliyey codeynta doorashada.
Warkan waxa Hargeysa kasoo diray Khadar Maxamed Cakule.