Dowladaha Faransiiska iyo Mareykanka ayaa Iran uga digay in wakhtigu gabaabsi ku dhow yahay si loogu laabto hishiiska Nukliyeerka, iyaga oo walwal ka muujiyay cabsida laga qabo howlaha Atoomikada xaasaasiga ah ee Iran wali ku howlan tahay, iyada oo u muuqata in wadahalladu jiitamayaan.
Booqashadiisii ugu horeysay ee xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken iyo dhiggiisa Faransiiska oo ku booqay wadashaqayn isu soo dhowaansho dhow oo mar kale yeelanayaan Paris iyo Washington kaddib afar sannadood oo Donald Trump intii uu xilka hayey xiriirkoodu aanu wanaagsaneyn yaa arrimahan Iran shir jaraa'id oo ay wada qabteen kaga hadlay.
Warbixin amuurtaas ku saabsan wariyaha VOA-da Qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail ayaa inooga soo diray magaalada London.