WASHINGTON —
Xoogagga Tigray ee ka dagaallamaya dhinaca Waqooyi ee dalka Ethiopia ayaa weerar ku qaaday gobolka dariska ah ee Cafarta, iyada oo maalmihii la soo dhaafay ciidamo ka socda deegaannada la geeyay goobo ay ku dagaalamayaan ciidamada deegaanka Amxaarada iyo kuwa Tigray.
Haddaba furintan cusub iyo wajiga uu dagaalku yeelan karo ayaan ka wareysanay Cabdi-sayid Macallin Yuusuf oo ku sugan dalka Jarmalka, horayna uga tirsanaa ururka ONLF.
Wariyaha VOA ee Washington Maxamed Cabdi Sandhere ayaa ugu horreyn weydiiyey waxa laga ogyahay ciidamadii Ismaamulka ee maalmo kahor la qaaday.