WASHINGTON —
Maraykanka waxaa maanta laga xusayaa 20-guurada ka soo wareegatay weerraradii September 11, 2001-dii. Mdaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo madaxweynayaal hore ayaa maanta ka qeybgalaya xus loogu baroordiiqayo dadkii ku dhintay weerraradii Sept 11, isago booqanaya magaalada New York, gobolka Pennsylvania, iyo xarunta Pentagon-ka ee duleedka magaalada Washington DC. Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.
Haddaba, weerarradaasi oo ay fuliyeen koox ka tirsanayd ururka al-Qaacidda, waxaa saameynta ay reebeen warbixintan nooga diyaarisay Sahra Cabdi Axmed.
Dhageystayaasha VOA ee Nairobi ayaa ka hadlay waxay ka xasuustaan weerarradii September 11 iyo waliba Meesha ay ku sugnaayeen maalintaasi.