HARGEYSA —
Amiira Cabdillaahi oo ah gabadh isticmaasha baraha bulshada ayaa maxkamadda gobolka Togdheer waxay ku riday xukun laba sano ah iyadoo lagu eedeyey aflagaado madaxda sare ah, waxaanay u baxsatay magaalada Garoowe, sida ay u sheegtay VOA-da.
Dhanka kale maamulka gobolka Togdheer ayaa sheegay in Amiira ay ka baaqsatay inay timaado maxkamadda, si ay isaga difaacdo eedaha loo haysto.
Warkan waxaa Hargeysa kasoo diray Khadar Maxamed Cakule.