Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay sida uu caruurta Soomaaliyeed u caawin karo tallaalka cusub ee cudurka Duumada ee dhowaan ay shaacisay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO. Waxaa marti ku ah Dr. Cabdulqaadir Xuseen Warsame oo ka howlgala xarunta caafimaad ee Tawakal ee magaalada Nairobi. Waxaa soo jeedinaya Nuur Xasan Nuur.