TORONTO —
Dadka heysta dhalashada Canada oo Soomaaliduna ay qeyb ka tahay ayaa soo dhaweeyay go’aanka Mareykanka uu ku furay xuduudda dhulka ee labada dal oo xirneyd ku dhawaad laba sano.
Xuduudda ayaa loo xiray xanuunka safmarka ah ee COVID-19 dartiis.
Faah-faahinta warkan waxaa Toronto ka soo diray Xuseen Nuur Xaaji.