LONDON —
Waxaa shaley toorey lagu diley mudane ka tirsan Baarlamanka Britain oo lagu magacaabo David Amess oo da’diisu aheyd 69 jira, waxaana uu ka tirsanaa xisbiga afkaartoodu adagtahay ee Conservative Party, iyadoo dilkiisa loo xirey nin 25 jir ah.
Warar ay warbaahinta caalamiga ah qortey ayaa lagu sheegey in weerarkaasi uu ahaa mid argagixiso. Wakaalada wararka Reuters oo soo xiganaeysa qaar ka mida warbaahinta Britain ayaa sheegtey in ninkan weerarka loo xirey loo badinayo inuu yahay muwaadin British ah, balse ka soo jeeda Soomaaliya asal ahaan.
VOA-du ma xaqiijin Booliskuna ma sheegin ninkan iyo halka uu ka soo jeedo.
Wararkii ugu danbeeyey ee dilka xildhibaankana waxaa inoo soo diray wariyaheenna Rdiwan Xaaji Abdiwali.