Bilihii u dambeeyay meelo badan oo koonfurta Soomaaliya ah waxaa laga soo sheegayay abaaro baahsan oo galaafanayay xoolaha. Haatan waxaa meelaha qaar laga soo warinayaa dad haraad iyo gaajo u dhimanaya.
Ugu yaraan qof ayaa la soo wariyay in oonka iyo harraadka awgeed uu ugu geeriyooday deegaannada galbeedka Kismaayo, kuwaasi oo ay si weyn u saameeyeen abaaraha.
Warbixintan waxaa soo diray Wariyaha VOA ee Kismaayo Aadan Maxamed Salaad.