HOBYO —
Saraakiisha maamulka Galmudug ayaa sheegay inay ciidamada maamulkaasi ee Ilaaladdda xeebaha ay qabteen Markab laga leeyahay dalka Shiinaha, kaasoo ay sheegeen inuu wadey kalluumaysi sharci darro ah.
Markabkan ayaa waxaa laga soo qabtey deegaano hoos tago magaaloo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.
Markabka waxaa saran, oo sidoo kale lala soo qabtay dhowr iyo toban shaqaalo ah oo u kala dhashey dalal kala duwan, sida ay sheegtay Galmudug.
Wariyaha VOA ee Galmudug CabdiWaxid Macalin Isaaq ayaa arrintan ka wareystey taliyaha ciidamada Ilaaladda xeebaha ee degamada Hobyo, Cabdiraxmaan Cali Dhurwaa.