WASHINGTON, D.C —
Waxaa maanta oo Arbaca ah lagu wadaa in magaalada Jabuti ee caasimadda Jabuti lagu soo gaba-gabeeyo, Shirka aragti wadaagga ee Heritage oo ah kii shanaad oo noociisa oo kale ah oo ay hey’addani qabato.
Maalinti shalay ayaa waxaa shirka diiradda lagu saaray doodo ku saabsanaa arrimaha nabad galyada iyo xasiloonida mandiqadda Geeska Africa, iyadoo si gaar ah tooshka loogu ifiyay colaadda ka taagan dalka Itoobiya.
Haddaba, weriyah VOA-da ee Jabuti, Ramadan Mussa ayaa makarafoonka la dhexmaray qaar ka mid ah aqoonyahannadii ka qaybgalay doodihi shalay.