Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa ka Dhalan kara Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ee Celinta Lacagtii Imaaraadka?


Farmaajo iyo Rooble
Farmaajo iyo Rooble

Madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan go'aanno uga soo saaray lacag ay leedahay dowladda Imaaraadka oo sanadkii 2018-kii lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Ra'iisul wasaaraha oo shalay guddoomay shixnad raashiin gar-gaar ah oo ka yimid Imaaraadka ayaa waxa uu raalli-gelin ka bixiyay lacagtaasi ay dowladdu qabatay xilli hore, sidoo kalana sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in dib Imaaraadka ay ugu wareejiso. Laakiin, qoraal uu xalay madaxweyne Farmaajo soo saaray ayuu uga horyimid in lacagtaas la wareejiyo, isaga oo intaas ku daray in hal qof uusan go'aan ka qaadan karin.

Haddaba, arrintan cusub ma waxa ay sii kordhineysaa khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra'iisulwasaaraha Soomaaliya? warbixin amuurtaas ku saabsan waxaa Muqdisho kasoo diray weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow.

Warbixin: Muranka ka taagan lacag ay DF kala wareegtay UAE
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:19 0:00


XS
SM
MD
LG