CAIRO —
Dowadda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in tallaabo ay ka qaadi doonto qofkii warar aan 'sal lahayn ku faafiya' baraha bulshada, waxaana boqortooyadu sheegtay in sanado xarig ah iyo ganaaxyo kala duwan uu la kulmi doono qofkii arrimahaas lagu helo.
Warbixin arrintaas ku saabsan waxaa magaalada Qaahira ka soo diray wariyaha VOA-da ee Bariga Dhexe, Xuseen Cusmaan Saxnuuni.