Gudiga qiimeynta deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee uu dhowaan magacaabay Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka warbixiyay waxyaabihii ka soo baxay kulamadii ay la qaateen mas’uuliyiinta Jubbaland ee Kismaayo ku sugan iyo qeybaha bulshada.
Waxa ay sheegeen in warbixinta ku aadan aragtiyada ay ka aruuriyeen dadka ay la kulmeen ay dib ugu celin doonaan Ra’iisulwasaare Rooble.
Faafaahinta warkaasi waxaa Kismaayo ka soo diray Wariyaha VOA ee Aadan Maxamed Salaad.