Dalka Canada waxaa laga cabanayaa qiimaha shidaalka oo sare u kacay, taasoo lala xiriirinayo dagaalka ka socda Ukraine iyo cunaqabatennada la saaray Ruushka kadib markii uu ku duulay Ukraine.
Dhallinyarada Soomaalida ee ku shaqeysata gawaarida ayaa kamid ah kuwa uu saameeyay sare u kaca shidaalka.
Wariyaha VOAda Xuseen Nuur Xaaji ayaa warbixinta magaalada Toronto ka soo diray.