Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu doortay guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya, ayada oo Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi u uku guuleystay tartankii guddoomiyaha Aqalka Sare.
Dhinaca kale, Senator Cali Shacbaan Ibraahim ayaa ku guuleystay kursiga guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, isaga oo wareeggii labaad kaga adkaaday Cabdixakiim Macallin Axmed.
Haddaba sida ay doorashadan maanta ee guddoonka Aqalka Sare u arkaan dadweynaha Soomaaliyeed qaarkood waxaa codadkan inoo soo weriyayaasheena Muqdisho iyo Baydhaba.