Xaaladda amni ee magaalada Muqdisho ayaa maanta cakirneyd ayada oo xiisad xooggan ay ka dhalatay qabashada kulanka golaha shacabka oo qorshuhu yahay in lagu doorto guddoonka.
Haddaba, xaaladda maanta ka jirta Muqdisho ma aheyd mid horay loo sii saadaalin karay? waxaa su'aashaasi iyo kuwa kale uu weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow uu weydiiyay Xuseen Macallin oo ah Madaxa Machadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal Institute.