Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barnaamijka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska: Wareysiga Khadiija Maxamed Diiriye


Khadiija Maxamed Diiriye
Khadiija Maxamed Diiriye

Barnaamijka Haweenka iyo Qoyska ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye oo ka mid ah xildibaanda ugu muddada dheer ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya

Khadiija waxaa dhowaan markii lixaad loo doortay xildhibaan. Sidoo kale Xildhibaan Khadiija waxay soo qabatay xilal heer wasiir ah.

Waxa ay barnaamijka Haweenka iyo qoyska uga sheekeyneysaa waaya aragnimadeeda xagga golaha shacabka iyo waxa u suurto-galiyay inay noqoto xilhdibaan aan dhicin muddo ka badan 20 sano.

Sidoo kale waxay ka hadleysaa sababaha ugu wacan in dumarka Soomaaliyeed ay waayaan qoondadii ay ku lahaayeen awood qaybsiga siyaasadda dalka ee ahayd 30%, taasoo ay eedeeda inta badan saareyso haweenka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Khadiijak waxa sidoo kale ka hadli doontaa aragtida ay dad badan oo Soomaali ah ka aaminsan yhihiin xildhibaanada ee ah in ay codkooda dollar ku iibsadaan, iyo arrimo kale.

Barnaamijka waxaa soo diyaarisay soona jeedineysa Caasho Ibrahim Aden (Caasho Cuud).

Barnaamijka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska: Wareysiga Khadiija Maxamed Diiriye
please wait

No media source currently available

0:00 0:16:58 0:00

XS
SM
MD
LG