Guddiga Qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha ee Baarlamanka Federalka Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqay Jadwalka Doorashada Madaxweynaha, waxaana maalinta qabashada lagu asteeyay 15-ka bishan aynu ku jirno ee May.
Waxaa lagu wadaa in diiwaan gelinta musharraxiinta xilka madaxweynaha la billaabo 8-da bisha May iyadoo ay ku eg tahay 10-ka. Hadaljeedinta musharraxiinta ayaa loo asteeyay 11-ka ilaa 14-ka May.
Haddaba warbixin ku saabsan sida looga falceliyay jadwalkan cusub ee shalay la soo saaray waxaa Muqdisho kasoo dirtay Seynab Abuukar Maxamed.