Waxaa maanta lasoo gabagabeeyey diiwaangelinta musharrixiinta madaxtinnimada Soomaaliya oo socotay saddex maalmood.
Guddiga doorashada ayaa diiwaangeliyey 39 musharrax, waxaana la filayaa inay berri musharrixiinta billaabaan inay xildhibaanada u jeediyaan khudbadahooda.
Haddaba tirada murashixiinta is-diiwaangelisay ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka tirsan guddiga doorashada labada aqal ee qaban-qaabinaysa doorashada madaxweynaha.