Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo dhaceysa 15-ka bisha oo ku beegan Axadda soo socota ayaa waxaa u taagan oo isu diwaangeliyay Ilaa iyo 39 murashax.
Haddaba qaar ka mid ah shacabka ku nool Muqdisho iyo Boosaaso iyo gobollada ayaa aragtidooda ka dhiibtay Madaxweynaha ay doonayaan inuu ku soo baxo doorashada, iyo waxa ay ka filayaan.
Weriyayaasheena Xasan Kaafi Qoyste oo Muqdisho ku sugan, Faaduma Yaasiin Jaamac oo Boosaaso joogta iyo Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq oo ku sugan Gaalkacyo ayaa warbixinadan soo diray.